Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhammaystay gudashada waajibaadka Xajka.
Ra’iisul Wasaaraha oo kamid ahaa Muslimiinta Alle fursadda u siiyay Xajka sanadkan, ayaa intii uu ku sugnaa waxa uu ugu soo duceeyay ummadda Soomaaliyeed nabad, horumar iyo midnimo.
Mudane Xamza ayaa intii uu ku sugnaa dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya la kulmay qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Muslimka ee iyaguna sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka.
Masuuliyiinta uu ra’iisul wasaare Xamza kula kulmay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxa kamid ah madaxweynaha dalka Pakistan Mudane Arif Alvi, oo isna sanadkan gudanayay waajibaadka Xajka sanadkan.
