Ciidanka Booliska Puntland ayaa soo bandhigay sagaal horjooge oo ka tirsanaa kooxda Daacish-ta Soomaaliya, kuwaasi oo isku soo dhiibay ciidanka maamulkaasi.
Taliska qeybta ciidanka Booliska Puntland ee gobolka Bari ayaa soo bandhigay horjoogayaashan, oo uu sheegay inay soo dhiibeen kadib howl-gal ay fuliyeen ciidanka.
Howl-galkaas ayay ciidamada Puntland ka fuliyeen deegaanada Camaamo iyo Siido ee degmadda Balidhidhin gobolka Bari, sida lagu shaaciyay bayaan kooban oo kasoo baxay Booliska Puntland.
Booliska ayaa sidoo kale baahiyay magacyada iyo sawirada horjoogaasha usoo gacan galay ciidanka, kuwaasi oo ay ku jiraan ajaanib.
Horjoogayaashan ayaa u kala dhashay dalalka Suuriya, Suudaan, Itoobiya iyo kuwa u dhashay Koonfurta dalka Soomaaliya, waxayna muddo ka tirsanaayeen Daacish-ta Soomaaliya, sida uu shaaciyay Booliska Puntland.
