Maamulka Puntland ayaa ka codsatay bankiga adduunka iyo hay’adda lacagta IMF, in la hakiyo oo dib loo dhigo dayn cafinta Soomaaliya, inta heshiis laga gaarayo nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siinayay BBC Soomaali, ayaa wuxuu sheegay, in qaabka ay hadda ku socota dayn cafintu halis ku keenayso deganaanshaha Soomaaliya, iyo kaalmada ay hay’adaha caalamku siiyaan Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu walaaac ka muujiyay dhaqaalaha daba socda dayn cafinta, isagoo sheegay in ay horseedi karto in dalku dib ugu noqdo dagaalo sokeeye. Wuxuu tilmaamay inta Soomaaliya ka heshiinayso midaynta maaliyadda iyo qeybsiga kheyraadka dalka, in loo baahan yahay in la hakiyo dayn cafinta Soomaaliya.
Codsiga Puntland ayaa kusoo beegmay, iyadoo bisha September ee sanadkan lagu wado in ay soo baxdo qeyb ahaan natiijada dayn cafinta Soomaaliya. Wasiirka maaliyadda Soomaaliya waxa uu horey u sheegay in khilaafka ka dhaxeeya Puntland iyo Dowladda federalku aanu saamayn ku lahayn arrinta dayn cafinta.
