Warar aynu ka heleyno magalada beledweyne ayaa sheegaya Cali Jeyte Cismaan inuu diiday Casuumaad kaga timid madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ilo ku dhaw dhaw Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa in sheegay in Casuumaada madaxweyne Xasan Sheekh ay la xariirto mid la doonayo in lagu wiiqo jiritaanka maamulka cusub ee Hiiraan State.
Diidmada martiqaadka loo fidiyay Cali Jeyte ayaa imaaneysa, iyadoo dowladda Fedaraalka Casuumaad ay Muqdisho ugu fidisay kal hore Jenaraal Abuukar Xuud oo si weyn u diidana jiritaanka Hirshabeelle, markuu xamar tagayna lagu soo rogay inuusan Muqdisho ka bixi karin.
Si kastaba ha ahaatee xaalad siyaasadeed cakiran ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka jirtey magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii madaxweynaha Hirshabeelle uu qaatay uu xilkii kaga qaaday guddoomiyahii gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
