Maanta waxaana si siman looga wada Ciiday dhammaan Wadamada Islaamka oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay waxaana sidoo kale si weyn looga ciiday magalada muqdisho.
Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka, waxaana Masaajidada waaweyn Salaada Ciidul Adxa ku Tukaday boqolaal ruux, waxaana Saalada kaddib dadka Soomaaliyeed si ay farxad ka muuqato isugu hambalyeynayeen Munaasabadda Maalinta Koowaad ee Ciidul Adxa, oo ah maalin qiimo badan ku leh Umadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta ku nool Caalamka oo dhan.
Wadooyinka waa weyn ee Caasimada muqdisho, ayaa ah kuwo aad u mashquul badan,maadama ay dadka ay booqanayaan Eheladooda iyo Asxaabtooda, si ay farxada Ciida ugala qeyb qataan.
Sidoo kale goobaha loo dalxiis tago ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka duwan maalimihii hore maadama ay boqolaal ruux oo isugu jira Dhallinyaro, Haween, Carruur, ay tagayaan si ay damashaadka Ciida ugu soo qataan,isla markaana sawirro ugu soo galaan.
