Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya oo ka hadley xatooyada xoolaha dadweynaha

0
424

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadalaayay munaasabadda Ciida Carafo oo uu ugu horeyn ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed ayaa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu diiradda ku saaray inta badan Xatooyada iyo Musuqmaasuqa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday iney ka go’an tahay dowladdiisa suulinta xatooyada iyo musuqmaasuqa xoolaha dadweynaha, isagoona wacad ku maray inaan la isaga hari doonin xatooyo dambe.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha Soomaaliya in la ceebeyn doono qof walba oo ku dhaqaaqa xatooyo xoolo dadweyne, isagoona fariin adag u diray odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta ka daba yimaada dadka lagu soo qabto kiisaska la xariira xatooyada iyo musuqmaasuqa.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya ay xirxirtay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ku eedeysan xatooyo iyo musuqmaasuq.