Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC, ayaa haatan ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Waxaa lagusoo warramayaa inuu dagaalku ka culus yahay dagaalladii maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Laascaanood.
Lama oga sababta uu dagaalkan ku bilowday, hase ahaatee warar aanu helnay waxay sheegayaan inuu dagaalku ku bilowday madaafiic labada dhinac ay isweydaarsadeen.
Dagaalku wuxuu haatan ka socdaa aagga bari ee ay maalmihii ugu dambeeyay dagaalladu ay ka dhacayeen.
