15 sanno kaddib ayaa xalay markii ugu horeeysay Munaasabadda Xuska 63-sanno guuradii kasoo wareegtay markii Gobollada waqooyi ay Xorrimada ka qateen Guumeystihii Ingiriiska, lagu qabtay Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool.
Munaasabadda oo ay kasoo qeyb galeen Maamulka Gobolka Sool, Garaado, Waxgarad, siyaasiyiin, Dhallinyaro, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa ka qabsoontay xarunta Maamulka SSC ee Magaalada Laascaanood.
Qaar kamid ah Siyaasiyiintii iyo Isimada dhaqanka ee Madasha ka hadlay, ayaa sheegay ay ahmiyad gooni ah u lee dahay in Magaalada Laas-caanood laga taago Calanka Buluugga ee Soomaaliya muddo 15-sanno kaddib, waxa ay hoosta ka xariiqeen in ay ka shaqeyn doonaan midnimada Soomaaliya.
Sidoo kale Maayarka Magaalada Laas-caanood Cabdiraxmaan Cali Ismaciil, oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu u Hambalyeynayo ummada Soomaaliyeed maalinta qiimaha badan ee ay xorrimada ka qateen Gumeystihii ingiriiska, waxa uuna tilmaamay in ayaga ay ahayeen dadkii ugu horeeyay ee ka shaqeeyay in Ummada Soomaaliyeed in ay noqoto dal xor ah oo u madax banaan.
