Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya oo xaley ka qeyb galey munaasabada 26 juun

0
419

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah oo ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.

Madaxweynaha ayaa sheegay inaan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaalaan sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay mideysan yihiin, taasoo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen gobollada Waqooyi, waxuuna sheegay in ay ka dhiman yihiin waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhameystiro xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kae Munaasabadda kalmado ku aaddan qiimaha midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ka jeediyey kusimaha Raysal Wasaaraha ahna Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, culimmo iyo waxgarad Soomaaliyeed.