Cali jeyte oo weli u xiran airporka magalada beledweyne

0
429

Waxaa sakaay ka dhaqan galay amar kasoo baxay Cali Jeyte Cismaan oo sheegtay inuu yahay hoggaamiyaha ku meel gaarka ee maamulka Hiiraan State, kaasoo in muddo 4 maalmood ah uu xiran yahay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Amarka kasoo baxay Cali Jeyte ayaa ahaa in garoonka Ugaas Khaliif Baledweyne aysan kasoo dagin wax diyaarad ah marka laga reebo kuwa ATMIS iyo tan qaadka keenta.

Majirto wax duulimaad shacab ah oo sakay kasoo dagay garoonka Ugaas Khaliif, waxaana taasi ay keentay inuu dhaqan galo amarka Cali Jeyte Cismaan oo dhawaan madaxweynaha Hirshabeelle uu ka qaaday xilkii guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Amarkaan ayaa ah mid la xariira xifaaltan dhanka dhaqaalaha kasoo baxa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo kastanada kale ee Canshuurta lagu qaado, waxaana dhici karta sida muuqata in lagu dagaalamo ilaha dhaqaalaha gaar ahaan kastanada Canshuurta haddii khilaafka hadda taagan uu sii jiro.