Beesha caalamka oo ka hadashey dagaalkii shaley ka dhacay magalada garoowe

0
381

Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saaray baaq deg deg ah oo ay ku dalbanayaan in la joojiyo xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, taasoo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

War saxafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada dagaalamaya in wax walba ay ku dhameeyaan miiska wadahalka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale shegtay in qalalaasha siyaasadeed ee haatan ka taagan Garoowe ay tahay mid halis galineysa natiijadii wanaagsaneyd ee laga gaaray doorashooyinkii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ka dhacay magaalada Garoowe ayaa illaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 26 qof oo 6 ka mid ah yihiin ciidamada dagaalamay iyo 10 ruux oo shacab ah, halka dhaawaca uu gaarayo ku dhawaad 30 qof.