Madaxweyne ku xigeenka maamulka hirshabeele oo kulan la qaadanaya odayaasha magalada beledweyne

0
356

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo uu wehlinaayo guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa haataan kulan kula leh gudaha magaalada Baledweyne Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ah mid ay saxaafada banaan joog ka tahay ayaa ah mid looga hadlaayo xaalada siyaasadeed ee ka taagan Baledweyne oo ka dhalatay xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyahii maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed oo aanan wali si rasmi ah u cadeyn mowqifkiisa ku aadan xilka qaadista Cali Jeyte ayaa lagu wada kulanka kadib inuu saxaafada shir jaraa’id u qabto.