Odayaal sheeganaya iney ka tirsan yihiin beelaha irir samaale oo hanjabaad usoo direy cabdicasiis lafta gareen

0
608

Odayaal ka kala socday beelaha Irir-samaale ee Dir iyo Hawiye ayaa ku shiray magaalada Muqdisho, waxayna soo saareen bayaan ay digniin u dirayaan beelaha Digil iyo Mirifle.

Sidoo kale madaxweynaha Koonfur Galbeed ayey uga digeen qorshe dagaal oo ay sheegeen inuu ka hurinayo Baraawe, sibey yiraahdee uu u barakiciyo dadka ka soo jeeda beelaha Irir-samaale.

Suldaan Cabdullahi oo sii hadlaayey ayaa Madaxweyne Laftagareen ugu baaqay in ciidanka uu keenay Baraawe uu ka saaro inta aan lagu leyn, sida uu ku goodiyey.

Odayaashaan ayaa sidoo kale ku hanjabay in gobolka Shabeellada Hoose ay ka jari doonaan K/Galbeed oo Banaadir ay ku soo dari doonaan, hadaan laga siin saamiga ay beelaha Irir-samaale ku leeyihiin hoggaanka maamulkaas.

Dhankiisa Caaqil Cabdullaahi Xalane Dhuxulow ayaa yiri “Ciidan meel daggan oo ciidan la dul-dajiyey wali lama arag, waxaan caddeyneynaa haddii xurmo la waayey oo xishood dhamaaday, waxaan ku dhameyneynaa ninba tabartii, ninba taagti.”