Xildhibaanada laga soo doorto koonfur galbeed oo ka hadley shaqaaqadii ka dhacdey degmada baraawe

0
400

Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya ee lagasoo doorto Koonfur Galbeed, ayaa ku eedeeyay ciidamada xoogga dalka inay weerareen madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo ciidamada Daraawiishta maamulkaas.

Shir jaraa’id oo ay xildhibaanadu ku qabteen magaalada Muqdisho waxay sheegeen mas’uuliyadda ka dhalata weerarkaas inuu qaadayo taliyaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Baraawe, oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale.

Xildhibaanadu waxay ku eedeeyeen sarkaalkan inuu qalqal galiyay xasiloonida degmada Baraawe, islamarkaana uu caqabad ku noqday nidaamka dowladnimada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale, xildhibaanadu waxay cambaareeyeen ciidanka ATMIS ee ka howlgalla degmada Baraawe. Waxay ku eedeeyeen inay garoonka diyaaradaha Baraawe ku wareejiyeen maleyshiyo beeleed sheegta in ay yihiin SNA.

Waxay kaloo ku eedeeyeen ciidamada ATMIS in gacantooda lagala baxay askari dhaawac ah oo katirsan ciidanka Koonfur Galbeed, kaddibna ay dileen ciidanka militariga SNA.

Xildhibaanadu waxay madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqeen inuu si degdeg Baraawe uga soo saaro ciidanka xoogga dalka oo ay ku tilmaameen maleyshiyo beeleed, lagana qaado tallaabo waafaqsan dambiyada ay geysteen sida ay hadalka u dhigeen.