Madaxweynihii hore ee somaliya oo ka hadley dagaalka ka dhacay degmada baraawe

0
597

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay dagaalka magaalada Baraawe, kaasi oo dhaliyay khasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho.

Dagaalka Baraawe ka taagan ayaa wuxuu u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada lixaad iyo ciidmada Daraawiishta dowlad-oboleedka Koonfur Galbeed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horreyn waxa uu tacsi ehellada dadkii ku geeriyooday dagaalkaasi, halka intii ku dhawacantay u rajeeyay caafimaad sariic ah.

Waxa uu nasiib darro aad u weyn ku tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ku dagaallamaan Baraawe oo cadowgu hareeraheeda joogo, shacabkiina ay ka qaxaan guryahoodii.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dalbaday in dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ay sida ugu dhaqsaha badan usoo fara-geliyaan arrintaan.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in xoogga labada ciidan ee ku dagaalamaya magaalada Baraawe loo jiheeyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, xilli uu dalka ka socdo guluf dagaal oo ka dhanka kooxda.