Eygeyga cusub ee qaramada midoobey u qaabisan somaliya oo booqatey magalada baydhaba

0
387

Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Catriona Laing iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa shalay gaartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Catriona Laing ayaa waxaa madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo uu wehlinaayeen wehlinayeen Wasiiro, La-taliyaal iyo sidoo kale agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulkaasi.

Ugu horreyn Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa ugu mahad-celisay Laftagareen iyo golaha wasiirada soo dhoweynta ay u sameeyeen, maadaama ay booqashadeedii ugu horreysay ku gaartay maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Baydhaba.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in socdaalkeeda uu ku qotomo isbarasho iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha shaqo ee ay QM ka wado guud ahaan Koonfur Galbeed.