Xaalada degmada baraawe oo maanta degan

0
380

Wararka eynu ka heleyno magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saakay ay degan tahay xaalada magaaladaas, kadib dagaal Culus oo Shalay galinkii dambe ilaa Xalay fiidkii soo gaaray kaasoo u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka saacadaha badan qaatay ee ku dhexmaray gudaha magaalada Baraawe Militariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka bilaawday dil ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay u geysteen asakari ka tirsana Militariga Soomaaliya oo magaciisa lagu soo koobay Suusac.

Inta la xaqiijiyay dagaalka culus ee ka dhacay gudaha magaalada Baraawe waxaa ku dhintay ilaa 10 ruux, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay khasaariha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shaabeelaada Hoose.