Qaar ka tirsan xerooyinka ay ku sugan yihiin ciidamada atmis oo lagu wareejin doono ciidamada xooga dalka

0
384

Guddi ka socday Midowga Afrika ayaa soo gebagebeeyey socdaal xaqiiqo raadin ah oo ay ku tageen Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan xaaladda amniga ka hor qorshaha dhimista ciidamada ATMIS.

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka ATMIS, ayaa shaaca ka qaaday in dhowr Saldhig oo Horudhac ah lagu wareejin doono Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed laga bilaabo Juun 15, 2023,

Madaxa howlgalka ATMIS wuxuu sheegay inay dhimayaan tirada ciidamadooda 2000 oo askari ah, dhamaadka bishan illaa bisha September 2023.

Dhawaan ayay ahayd, markii Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ay si rasmi u sheegtay dhimista tirada ciidamada ATMIS ee ku sugan dalka, iyadoo xaqiijisay in dowladdu ay ka go’an tahay inay mas’uuliyadda amniga kala wareegto ATMIS.