Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay meertada 14-aad ee shirka IGAD, ayaa shaaciyay halka uu marayo heshiiskii dhawaan Golaha Wadatashiga Qaranka uu ku gaaray Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa marka hore xusay in shirkaasi kasoo baxeen go’aano muhiim ah oo ay ku jirto in doorasho iyo qof cod ah dalka loo diyaariyo.
Waxa uu sheegay in heshiiskii lagu gaaray shirkaasi, ay hadda ka shaqeynayaan golayaasha dowladdu hirgalinta heshiiskaas, xilli ay si adag uga soo horjeesteen siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulka Puntland.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu khudbadiisa ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay tallaabooyin muhiim u ah qaaday si loo nabadeeyo dalka, oo ay ugu horreyso dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, kaasi oo looga saaray dhul baaxad leh oo ka tirsan gobolada Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Waxa uu sheegay in deegaanada iyo degmooyinka laga saaray Al-Shabaab ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo lagu dhisayo adeegyada bulshada, lana xoojiyey ammaankooda, taas oo suura galisay inaysan argagixisadu dib ugu soo laaban.
