Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in 9 qof ay ku geeriyoodeen weerar koox hubaysan oo katirsanaa Alshabaab ay ku qaadeen hotel Pearl Beach ee xeebta Liido.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka booliiska, ayaa lagu sheegay in dadka geeriyooday ay kala yihiin, 6 shacab ah iyo saddex askari oo katirsanaa ciidanka.

