Madaxweynaha oo soo dhaweeyey go’aankii kasoo baxay golaha amaanka ee qaramada midoobey

0
281

Madaxweynaha dowladda fedraalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aammadii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho colaadda Laascaanood.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.