Gudoomiyaha gobolka gedo oo ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyey

0
246

Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Garaad ayaa si adag uga horyimid maamulka cusub ee uu gobolkaas uu u magacaabay dhawaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Guddoomiye Buule oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay ineysan waxba ka quseynin magacaabista uu sameyay madaxweyne Axmed Madoobe.

Axmed Buule oo ahaa guddoomiyaha gobolka Gedo ku magacawna mudada dheer ee khilaafka adag uu ka dhex taagna dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo iyo maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale sheegtay inuu yahay madaxweynaha xorta ah ee maamulka Jubbaland.

Guddoomiye Buule ayaa sidoo kale ku eedeeyay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre inuu dhameystiray kala fogaansha Jubbaland iyo dadka ku nool gobolka Gedo.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa imaanaya, iyadoo habeen hore uu madaxweynaha Jubbaland maamul cusub uu u magacaabay gobolka Gedo.