Wararka naga soo gaaraya deegaanada u dhexeeyo Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa waxaa haatan ay xukuumaddda Hargeysa wadaa qorshe ay ku qaadeyso duulaankii ugu weynaa ee ku aadan gudaha Laascaanood.
Xogaha la helayo qaar ayaa sheegeya in,Somaliland ay qorsheyneysaa inay kusoo aadiso maalinta doorashada Puntand oo ku beegan 25-ka bishan May, taas oo ah qof iyo cod, isla-markaana lagu dooranayo golayaasha deegaanada ee maamulkaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in haatan ciidamada Somaliland ay dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan aagga xerada Goojacadda, islamarkaana ujeedkooda uu yahay inay u jiheystaan dhanka magaalada Laascaanood oo ay joogaan ciidanka SSC.
Sidoo kale ciidanka deegaanka ayaa dhankooda sii xoojiyay difaaca, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ay uga hortagaan weerarka ay qorsheyneyso inay soo qaado Somaliland.