Sarkaal u hadlay Ciidamada Millateriga Somaliland ee gobolka Sool, ayaa sheegay in ciidamada millaterigu ay magaalada uga baxeen si ay uga fogaadaan in khasaaruhu sii bato.
Sarkaalka millateriga u hadlay ayaa sheeegay in ay ka xun ihiin dilka ciidanku u gaystay Maxamed Cali Saadle oo kamid ahaa shacabka Laascaanood, isaga oo sheegay in anay arrintaasi ahayn mid badheedha.
Sarkaalka ayaa bulshada reer Laascaanood ugu baaqay in aan nabadgalyada la khal khalin, isaga oo sheegay in askartii dilka gaysatay xabsiga loo tabaaxay cadaaladana la horgayn doono, waxa uu sheegay in askarta Saadle dishay ay ku andacoodeen in uu isagu qori kusoo weeraray.
Waxa uu sheegay in ciidamadu ay xalay ka baxeen magaalada, kadib markii dilku dhacay si aanay dhibaatadu inta uga badan, waxa uu intaa ku daray in odayaashu dhaqanku ay u sheegeen in ay arrinta xalinayaan isaga oo sheegay in hadii odayaashu ay amniga ku guulaysan waayaan uu ciidanku magaalada ku noqon doono.