Madaxweynaha maamulka hirshabeele oo kulan la qaatey ergeyga cusub ee midowga africa u qaabilsan somaliya

0
303

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Ergeyga cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud Hirshabeelle gaar ahaan howlgallada ka socda deegaanada Hirshabeelle ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo qeybaha kala duwan ee ciidamada iyo dadka deegaanka oo is garabsanaya ay kasoo hoyeen guulo is dabajoog ah.

Madaxweynaha ayaa danjire Mohamed Souef ka gudoomay dhambaal tacsi ah kadib qarixii shalay ay Al-Shabaab ka geysteen degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxa uuna dhanka kale kaga mahadceliyay taageerada ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.