Madaxweynaha maamulka hirshabeele oo ka hadley qarax ka dhacay degmada maxaas

0
424

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha Maamulka iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii maanta ku dhintay qaraxyadii ay Al-Shabaab ka geeysteen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Guudlaawe ayaa tilmaamay in Al-Shabaab ay cadow ku yihiin nolosha iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, Isagoo xusay in Al-Shabaab ay ku jabeen dagaaladii lala galay ee looga xureeyay deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato kuhayaan dadka Soomaaliyeed.

Al-Shabaab waa u dhaqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kama ka niyad jabi doonno la dagaalanka Al-Shabaab ayuu yiri” Madaxweynaha Hir-Shabeelle.