Golaha musharixiinta oo sharuudo ku xirey ka qeyb galka shirka wadahadalka ee la filaayo in lagu qabto magalada baydhabao

0
255

Musharixiinta xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shuruudo dhowr ah waxaa ay kuxireen ka qeyb galka Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur galbeed, kaas oo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Madoobe) uu iclaamiyay in 5-ta Bisha Janaayo oo ku beegan Maalinta Khamiista ah uu ka furmo Magaalada Baydhabo.

Qoraal ay Musharixiinta u direen Guddoomiyaha Golaha Shaabka ayay uga dalbadeen in la fuliyo Saddex sharuudood oo ay kaga qeyb geli karaan shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.