Gudoomiyaha baarlamaaka oo gudi farsamo u magacaabey shirka wadahadalada koonfur galbeed

0
408

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa magacaabay guddiga farsamada ee shirka wadahadalada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loogu talo galay inay isku dubaridaan farsamo ahaan shirka dib u heshiisiinta Koonfur galbeed oo la qabanayo shanta bishan January.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe, ayaa rajo weyn ka qaba in shirka dib u heshiisiinta uu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan Koonfur Galbeed.