Saaxiibada Beesha caalamka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin rabshadaha ka socda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah.
Qoraal kooban oo ay Beesha caalamku kasoo saartay xaaladda Laascaanood, waxay ku sheegtay, in xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ay tahay waxay ugu muhiimsan.
Beesha caalamku waxay ku baaqeen xasillooni iyo is-xakameyn, islamarkaana xiisadaha jira lagu xalliyo isdajin iyo wadahadal.
Warkaan ayaa kusoo aaday, iyadoo magaalada Laascaanood uu muddo todobaad ah ka socdo mudaharaad loogasoo horjeedo Somaliland, kaasoo u muuqda mid sii xooggaysanaya.
Illaa iyo hadda laguma guulaysan in dadweynaha lagu qanciyo inay isdajiyaan. Dadku waxay aad uga kaceen dilalka magaalada kusoo noqnoqday oo aysan jirin cid loo qabtay.