Golaha Ammmaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo hal sano ah oo dheeri ah u kordhiyey howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, kaasoo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano UNSOM.
Golaha ayaa meel-mariyey qaraar ku aandan muddo kordihintan oo ku eg illaa 31-ka October ee sanadka soo socda 2023-ka.
Waxaa qaraarkan oo tirsigiisu yahay 2657 u codeeyey illaa 14 dal, halka 1 waddan oo kaliya uu ka aamusay.
Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in ay si dhow ula socon doonaan xaaladda Soomaaliya, islamarkaana ay ku sameyn doonaan dib eegis, ayada oo loo kuur galayo dhanka horumarka siyaasadda iyo sidoo kale xaaladda amni ee waddanka.