Maxkamada racfaanka ugandha oo xukun dil ah ku xukuntey ciidamo ka howlgalay somaliya

0
177

Maxkamad racfaanka Uganda ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Labo askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ee howlgalka u joogay Soomaaliya oo lagu helay inay dil toogasho ah ku fuliyeen 8 qof oo rayid.

Kabtan Charles Asiimwe iyo Corporal Edison Bwambale ayaa ka mid ahaa shan askari ee Uganda u dhashay ee lagu helay todobo dambi oo dil ah oo ay ku riday maxkamadda ciidamada qalabka sida, xilli ay ku sugnaayeen Muqdisho bishii Nofembar ee sanadkii 2021-kii.

Asiimwe iyo Bwambale ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka saddexda askari ee soo hartay ee kala ah Corporal Alexander Babu, Lance Corporal Phillip Ichumar iyo Private Kerere Tushemereirwe lagu xukumay min 39 sano oo xarig ah.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib codsi uga yimid koox ka tirsan AMISOM oo loo xil-saaray inay soo baaraan dilka 10 qof oo rayid ah kuwaas oo lagu dilay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha hoose.

Sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada xukunka lagu riday ayaa xiray 7 qof oo shacab ah kadib markii ciidamada Uganda ay wadada ka heleen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana waqtigaas la sheegay in Asiimwe uu amar ku bixiyey in la toogto dhammaan todobada qof ee shacabka ahaa ee aan waxba galabsan.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada dilka geystay ay sidoo kale sameeyeen fal naxdin leh kadib markii ay qarax ku xireen meydka dadkii shacabka ahaa oo ay toogteen taasoo ah mid ka baxsan bini’adaadanimada.