Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida oo maanta la wareegay xilka

0
725

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida, Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarow ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Guddoomiyihii hore Maxkamadda Sareeyo Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socday Ciidamada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale ayuu Wasiirka Gaashaandhigga xilkii ugu kala wareejiyay.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarow ayaa munaasibadaas ka sheegay in howsha uu halkiisa ka si wadi doono, isagoo u mahad-celiyay cidkasta oo gacan ka geysatay xilka loo igmaday.

Sidoo kale Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada Sareeyo Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) oo halkaasi ka hadlay ayaa isaguna sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Guddoomiyaha cusub.

Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya kula dardaarmay guddoomiyaha cusub in uu si daacadnimo ay ku jirto u guto waajibaadkiisa shaqo, isagoona guddoomiyihii hore uga mahad-celiyay howsha uu so qabtay.