Gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaadey gudoomiyaha baarlamaanka dalka austria

0
198

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magalada Vienna kula kulmay dhigiisa dalka Austria Wolfgang Sobotka.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay mataaneynta labada baarlamaan ee Austria iyo Soomaaliya, iyadoo labada guddoon ay muhiimad gaar ah siiyeen sidii shaqaalaha iyo xildhibaannadda Golaha Shacabka ay u heli lahaayeen aqoon kororsi.

Guddoomiyaha Golaha Qaranka Baarlamaanka Austria, Wolfgang Sobotka, ayaa dhankiisa ballan qaaday Dowladda Austria diyaar u tahay in ay gacan ka geeysato dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo sidii kaalmooyin uga geeysan lahaayeen dadka ku waxyeeloobay abaaraha ku dhuftay gobolada dalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, ayaa gabagabada kulanka sheegay in dagaalada lagula jiro Al Shabaab ay guulo waaweyn ka gaartay Dowladda Soomaaliya islamarkaana loo baahan yahay in si buuxda loo tageero dadka degaanka is abaabulay si guud ahaan dalka looga xorreeyo Al-Shabaab.