Kooxda Alshabaab ayaa fagaare kuyaal degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe ka geysatay xukun dil ah oo ay ku fulisay 6 nin oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.
Alshabaab ayaa sheegay inay dadkani basaasiin u ahaayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA-da loo yaqaan.
Ma ahan markii ugu horraysay oo Alshabaab ay dilaan dad ku eedeeyeen basaasnimo. Waxayse arrintan kusoo aaday xilli dhawaan dowladda Maraykanku duqeymo ku dishay sarkaal sare oo katirsanaa Alshabaab oo lagu magacaabo Cabdullaahi Nadiir.
Qaar kamid ah dadkii ay halkaasi ku dileen ayaa waxaaka mid ah
1 Xasan Maxamed Aadan oo loo yaqaanno (Mustaf), da’diisuna tahay 33 jir.
2 C/Qaadir Maxamed Sheekhey Cali oo loo yaqaanno (Buule), da’diisuna tahay 29 jir.
3 C/laahi C/raxmaan Ibraahim oo loo yaqaanno (Dalmar), da’diisuna tahay 27 jir.
4 Xasan Cali Xaaji C/raxmaan, da’diisuna tahay 43
5 Cabdi Salaan Ibraahim Maxamed oo loo yaqaanno (Shaalle)
6 Cabduqaadir Xuseen Cabdi oo loo yaqaanno (Gobal)