Gudoomiyaha baarlamaanka oo kulan la qaatey qaar ka mid ah jaaliyada wadanka holland

0
220

Wefdi uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka FS Sheekh Aadan Maxamed Nuur [Madoobe] oo shalay soo gaaray waddanka Netherlands, kaddib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa Vera Bergkamp ayaa xalay Magaalada De Heeg kula kulmay xubno ka tirsan jaaliyadaha Soomaalida iyo madaxdooda.

Kulankan, oo ahaa mid is-xog-iswareysi ahaa, waxaa soo qabanqaabiyay safiirka Soomaaliya ee waddamada Benelux iyo Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaashiin Xaashi iyo Dalladda FSAN ee fadhigeedu yahay Amsterdam, ahna dallad ay ku middeysan yihiin in ka badan 45 ururo Soomaaliyeed oo ka dhisan Netherlands.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Benelux iyo Midowga Yurub Danjire Yoonis oo halkaasi ka hadley ayaa kaga warbixiyay wefdiga Guddoomiyaha sida ay safaaradiisu isugu howshay isku duba-ridka dadka Soomaaliyeed ee “illite” ka ah ee ku dhaqan Biljamka iyo Holland, iyada oo ujeeddada lagaga gol-leeyahayna ay tahay in la helo dad Soomaaliyeed oo waxtar u leh in ay ka qeybqaataan dedaaladda ay Dowladdu hormuudka ka tahay ee dhinacyada abaaraha iyo la-dagaalanka kooxda xagjirka ah ee Alshabaab.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo gebagebadii kulanka hadlay wuxuu sharaxay dedaaladda ay dowladdu wado ee ku aadan la dagaalanka iyo cirib-tirka kooxda Alshabaab, sida uu sheegay iyo in gurmadka abaaraha.

“Dowladdu waxey la kowsatay dagaalo lagu soo afjarayo kooxaha argagixisada, dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ku boorinayaa in loo midoobo sidii Alshabaab la isaga qaban lahaa” Ayuu yiri Sh. Aadan Madoobe, wuxuu intaasi raaciyay in ay muuqato iftiin iyo rajo sidii Dowladnimadu u guuleysan laheyd.