Ciidanka militariga dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa 20 tirsan dagaalamaayaasha Alshabaab ku dilay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.
Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka, siina hayay xogta abaabulka Alshabab ayaa ka hortagay weerarka Alshabaab kusoo qaadeen, iyagoo sheegay inay jab xooggan u geysteen.
Saddex askari oo katirsan ciiddanka dowladda ayaa ku geeriyooday weerarkan, halka kooxdii Alshabaab ee weerarka soo qaaday ay ka carareen meydad badan, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda warfaafinta.
