Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Sooomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa waxaa uu magaalada Geneva, ee dalka Switzerland uga qeyb galay Kalfadhiga 73-aad ee guddiga fulinta ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka.
Kulanka oo ay Wasiir Fiqi ku wehlisay ka qeybgalkiisa Amb. Ebyan Maxamed Saalax oo ah safiirka soomaaliya ee dalka Switzerland ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu wasiir Fiqi ka jeediyey kulanka waxaa uu hey’adda iyo beesha caalamkaba uga mahadcelinaya dadaallada ay ku taageeraan Soomaaliya ee sidii xalwaara loogu heli lahaa kuwa dhibaateysan iyo qaxootiga.
Wasiir Axmed Macallim Fiqi waxaa uu guddiga hordhigay xaaladda guud ee dalka, isaga oo sheegay in August 31, 2022 wixii ka dambeeyey uu taagnaa walaaca dowladda federaalka iyo hey’adda qaxootiga adduunkaba ee ah dhibaato saameysay dad gaaraya ilaa 3.1 milyan, oo isugu jira barakacayaal, kuwa dalka dib ugu soo noqday, qaar magangaliyodoon ah iyo qaxootiba.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay saxiixeyaasha baaqii Nairobi ee 2017kii oo qorshe, xal waara iyo wadashaqeyn wax ku ool ah IGAD lagala shaqeynayo sidii loo xalwaara oo horumar ah looga gaari lahaa qaxootiga gobolka, oo ay ku jiraan in la abuuro xaalado ay dib ugu noqon karaan”.