Mahdi Cumar oo loo magacaabay Taliyaha ciidanka boliiska gobolka banaadir

1
430

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Maanta wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay taliyaha guud ee qeybta Booliiska gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaada, waxaana xilkaasi loo magacaabay Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin.

Magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska gobolka Banaadir Gaashaanle Mahdi Cumar ayaa imaanaysa, kadib markii xilkaasi uu dhawaan ka geeriyooday Allah u naxariiste taliyihii hore Farxaan Maxamuud Aadan Qaroole oo lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay nawaaxiga deegaanka Basra ee gobolka Sh/dhexe.

Wareegtada kasoo baxday Taliye Xijaar ayaa sidoo kale lagu faray in taliyaha cusub uu si deg deg ah u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, waxaana sidoo kale la amray saraakiisha kale ee Booliiska inay la shaqeeyaan taliyaha cusub.

Taliyaha cusub ee Booliiska gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa ka soo jeeda Galmudug, waxaana maalmihii dambe aad loo hadal hayey in loo wado xilkan, maadama ay isku heyb yihiin taliyahii ka geeriyooday xilkaan Farxaan Qaroole, islamarkaana la sheegay inuu saaxiib dhaw la yahay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

1 COMMENT

  1. Wax u qabo barakacayasha laga soo qaxiyey guryahoda,beertoda,xoolaxoda kuna dandareysan xamar kuwaas oo ka soo jeeda sh.hoose iyo sh.dhexe .kufsiga,dilka iyo dhaca lagu haayo ee loo baxsadey loma ooyan.

Comments are closed.