Ciidamada dowlada iyo alshabab oo maanta ku dagaalamey deegaano hoostaga degmada balcad

0
285

Ciidanka Dowladda ayaa la sheegay in 19 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Tuulada Muryaale oo u dhaxaysa degaanka Basra iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe kadib dagaal ka dhacay halkaas.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamadu ka warheleen inay Al-Shabaab isku aruursanayeen Tuulada Muryaale sidaasina Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamada oo helay xogta Al-Shabaab inay sameeyeen roondo xiliga uu dagaalku dhacayay, sidoo kalena ciidamadu ay wali ku raad joogaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Afhayeenka Wasaaradda Amniga Cabdikaamil Shukri Macalin ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay ciidamo sigaar ah u tababaran si ay dhulka badiyaha ah ugu beegsadaan Al-Shabaab, isla markaana weerarkii saaka ciidamada dowladda laba askari kaliya ay uga dhaawacmeen.