
Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir gaar ahaan qeybta Bari ayaa xalay howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga waxaa ay ka sameeyeen degmooyinka, Kaaraan, Yaaqshiid iyo Hiliwaa, halkaas oo dhowrkii cisho ee la soo dhaafay dadka degan ay ka cabanayeen amni darro.
Howlgalka oo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiisha Ciidamada qeybta Bari iyo Maamulada degmooyinka ayaa Ciidamadu sameeynayeen baaritaano Guri guri ah, iyaga oo kusoo qabtay Mandooriyaal, Rasaas iyo shaqsiyaad Amni daro lagu eedeyay.
Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Xasan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid si joogto ah loo sameyn doono, isaga oo digniin u diray dadka ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo ku hadlayay Magaca guddoomiyeyaasha ayaa dhankiisa ugu baaqay Waalidiinta Carruurta Ciyaal weerada ah iyo kuwa dhaca u geysta Shacabka inay ceshadaan hadii kale tallaabo laga qaadi doono.