
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ciidamo horleh ay u dirtay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi.
Ciidamadan oo diyaarad looga qaaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa ka degay garoonka Guriceel, halkaas oo la filayo in gaadiid loo diyaariyey looga qaado si loo geeyo gobolka Hiiraan oo hoostaga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.
Ciidamadan aya ala sheegay in ay ka howlgali doonaan waddooyinka isku xira Beledweyne iyo Matabaan, si ay uga sameeyaan miino baaris, maadaama ciidamada lugta ee Xoogga dalka ay ku adkaatay inay gudaha galaan deegaanada ku yaal halkaasi.
Arrintan ayaa sidoo kale ka dambeysay, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah ee ay la kulmayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee howlgalladaa ka wada gobolka Hiiraan, isla-markaana uu horkacayo guddoomiye Cali Jayte Cismaan.