
Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka Deeynuunaay oo kamid ah degaannada hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee degaanka Deeynuunaay waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka la helay ayaa sheegaya in dagaalka uu ku dhintay Askari katirsan Ciidanka dowladda oo Magaciisa lagu sheegay Xasan Macalin, sidoo kale uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.
Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.