Maamulka waqtigiisa gabagabada yahay oo sheegey inaan shir lagu qaban karin magalada baydhaba

1
258

Maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen ee Koonfur Galbeed ayaa mamnuucay in shirar siyaasadeed lagu qabto deegaanada uu ka arrimiyo, wuxuuna maamulku shaaciyey inay jiraan siyaasiyiin ‘doonaya inay qalqal siyaasadeed geliyaan gobolka.’

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in cidna aan laga ogolaa doonin falal amniga ka baxsan, isagoo sheeciyey in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulsan yihiin qalqal gelin, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jirto xaalad adag oo abaaruhu ay sababeen, isla markaana maamulka oo taas ka duulaya uusan cidna ka ogolaa doonin qalqal gelin iyo hurinta falal amniga ka baxsan.

Sidoo kale wasiirka amniga maamulkaas ayaa hey’adaha Koonfur Galbeed faray in cid kasta oo qalqal gelin ay ku tuhmaan ay waajibkooda ka gutaan.

1 COMMENT

  1. Mw xasan sh. Wuxuu kaga soo tagay baydhaba jalfis,laftagaren difacisa ayuu xirtey,besha darbane duwe digil ayaad albabka ka xiratey shaley,adigana manta waa laga xirtey burburkaga wuxuu galay wejigisa labaat.

Comments are closed.