
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ugu tegay Sheekh Mukhaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyey kulanka dhex-maray labada dhinac.
Shariif Xasan ayaa shaaca ka qaaday inuu salaan iyo sidoo kale is xog wareysi ugu tegay wadaadkaasi oo muddo ku dhow afar sano ku xiran gudaha magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka wada-hadleen arrimo ku aadan masiirka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay,
“Waxaan maanta hoygiisa ku booqday walaalkey Mukhtaar Roobow Cali, salaan iyo is xog- wareysi kadib waxaan ka wada hadalnay arimaha masiiriga ah ee dawladda Koonfur Galbeed, guud ahaan mustaqbalka iyo xaaladda Soomaliya,” ayuu yiri Shariif Xasan.
Dhankiisa Roobow ayaa uga mahaceliyey Shariif Xasan booqasha uu ugu tegay, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inay iska xog wareystaan xaaladaha guud ee dalka.
Kulankan ayaa u muuqdo mid qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Lafta Gareen ay ka wadaan magaalada Muqdisho.