Madaxweynaha maamulka puntland iyo ku xigeenkiisa oo khilaafkooda xoogeystey

0
390

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash, ayaa diiday inuu shir kala qeyb galo wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo kamid ahaa saddexdii wasiir ee uu xilka ka qaaday 5tii bishii may.

Axmed Karaash ayaa ku amray wasiirka arrimaha gudaha inuu ka baxo shir arrimaha dowladdaha hoose looga hadlayay, arrintaas oo markii dambe keentay in shirkii lagu kala tago.

Waxaa weli muuqda in Axmed Karaash uu ku adkaysanayo xilalkii uu ka qaaday wasiiradda arrimaha gudaha, amniga iyo maaliyadda, kuwaas oo lagu tiriyo saaxiibada madaxweyne Deni.

Dhinaca kale, barlamaanka Puntland ayaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ku cadaadinaya inay heshiis ka gaaraan khilaafkooda, iyadoo laga yaabo in barlamaanka oo hadda ku jira kalfadhigiisa uu mooshin ka keeno Golaha wasiiradda.