Kenya oo ka hadashay xiliga la fasixi doono keenis qaadka dalka somaliya

0
422

Wasiirka Beeraha dalka Kenya Peter Munya ayaa sheegay in in 5-ta bisha soo socota ee Luulyo dib loo fasixi doono Qaadka ay keeni jireen Soomaaliya, kadib markii wada-hadallo iyo heshiis ay ka gaareen Madaxda dowladaha Kenya & Soomaaliya.

Wasiirka oo u waramay wargeyska THE STAR wuxuu sheegay in hoos u dhac weyn laga dareemay labadii sano ee la soo dhaafay dhaqaalaha dalkaasi ka heli jiray qaadka maadaama suuqooda ugu weyn uu ahaa Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in labada todobaad ee soo socota Gudahood ay magaalada Nairobi tegi doonaan madax ka socota dowladda Soomaaliya si halkaasi loogu saxiixo heshiis laga gaar qaadka.

Wasiir Munya ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo waxa ay Soomaaliya ku bedelaneyso dib u furida suuqii Qaadka ee wadankaasi Kenya, waana markii labaad uu sheego in dowladda Soomaaliya ay fasaxday qaadkii ay keeni jireen Soomaaliya.