Reysulwasaare Rooble oo maanta daah furey intixaanaadka shahaadiga ee dugsiga sare

0
397

Ra’iisul Wasaare dowlda federaalka somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay intixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay qaar kamid ah gobollada dalka.

Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaarayso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka daah-furay Muqdisho, waxana uu Ardayda Imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda Imtixaanka oo uu sheegay in waqti badan la galiyey.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda Imtixaanka shahaadiga u fariisanaysa guud ahaanba dalka, waxaa uuna xasuusiyey inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan.

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare waxaa uu ka dhacayaa gobolka Banaadir, Koonfur Galbeed, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaanan ka qeyb galayn Puntland.