Aawey Odayaashii reer aw digil mansabka digil maxaa ka dhigey mid lagala tashado cali saciid faqi

3
968

Waa Su’aal aad u da weyn oo loo baahan yahay in shaqsi walbaa uu is weydiiyo Kursiga Gudomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed ma beel weynta Digil baa is kaleh mise Waa mid uu siduu doono ka yeelo Cali Saciid Fiqi islamarkaana u xiray hogamiyaha waqtigisu dhamaday ee Cabdicasiis Laftagaren.

Hadaba Waa shaqsi noocee ah Cali Saciid Fiqi Waa shaqsi kuso fashilmay Gudoonka Barlamanka Koonfur Galbeed oo mudadii shanta 4ta sano eheyd ee uu halkaasi joogey majirto wax uu halkaasi ka qabtey Hadana fashil ku dhax fadhiya Xilibanada Federalka.

Cali siciid faqi waxaa kaloo uusan aaminsaneyn mansabka uu halkaasi ku fadhiyo oo ah in uu yahay mid uu ku difaacayo danaha dadka dega deegaanada koonfur galbeed amaba aan si hoose u dhigee danaha digil iyo mirifle, Cali waxaa uu hormuud ka yahay kooxaha marka ay siyaasada geliyaan isticmaala magaca digil iyo mirifle kolka ay gaaraan danahoodana meel iska dhiga waa shaqsi aad iyo aad u han gaaban oo aan laheyn han weyn.

Intii uu hormuudka ka ahaa baarlamaanka konfur galbeed shacabka kooonfur galbeed waxaa ay filayeen in uu halkaasi wax badan ka bedelo isla markaasna horumar uu gaarsiiyo siyaasada guud ee maamulka koonfur galbeed halka uu dhigeyna waa waxa idiin wada muuqda waxaan maqli jirey maah maah oroneysa buug hortiis magal ahaaw taasoo micnaheedu yahay aqoonta hadii aysan karti ku jirin iyo dadnimo ku jirin in aysan wax qiimo ah lahen.

Sidoo kale Cali Saciid Fiqi wuxu ku fashilmay dhisidii Golaha Deganka Degmada Barawe isagoo reer Hawiye kasiyay dhowr xubnood oo aysan xaq u laheyn halka Digilkii kale ee deegaanka la degenaa uu u diidey waxaa kaloo uu khilaafkii ugu xumaa ka dhex abuurey beelweynta Tuni siweyna u dulmiyay Beesha Goygaal oo baaxad weyn kuleh degaanka Shabellaha Hoose.

Cali Siciid Faqi iyo teamkisa oo uu ugu horeyo Gudomiyaha Degmada Baraawe Liban waxaa ay xaraash ku hayaan dhulkii Degmada Barawe, dhacdadii ugu dambeysey ee beecinta dhulalka ayaa eheyd iney 250 boos ka gadeen dad aan Deganka xaq kulaheyn. Waxaase is weydiin leh Ali said Fiqi yuu u shaqeeyaa, Laftagarense maxuu kursigii Digil rahan ahaan ugu dhigay Ali Said fiqi.

Waxaase suaal ah away suldankii reer Tuni talo kuma laha miyaa deegaanka mise Ali Saïd fiqi aya isku ah siyasi iyo suldan? Aaway saladintii kale ee reer aw Digil madama kursiga yahay kursi Digil? Haduu Laftagaren siduu doono ka sameysto kuraasta Digil wa Suaale Odayaasha Digil miyay difaaci donaan kolka la gaaro bisha 12aad? koley inta badan Laftagaren dimiir kuma ogeyn Digile iney difaacaan ka yaab lakiinse waa hubaal inuu Laftagareen daadku qaadayo bisha 12aad sanadkan 2022.

Isku soo wada duub fashilka uu maanta fadhiyaan Cabdicasiis Laftagareen iyo Cali Siciid Faqi ma aheyn mid aan la ogeyn in sida ay xaaladu hada ku dhamaatey waa mid looga digey mar hore balse aragti xumadooda ay maanta halkaasi dhigtey, Sidaasi daraadeed Cabdi casiisoow ka faaiideyso waqtiga yar ee kuu haray garabna haka dhigan shaqsi aan wax qiimo ah ugu fadhin reerka uu kasoo jeedo wax dan ahna u heyn shacabka digil iyo mirifle isku dey in danaha gobolka shabelaha hoose aan kala tashato odayaasha dhaqan inta aad kala tashan laheyd maacuunta ay adeegsadaan dadka danaha ka leh digil iyo mirifle.

Qore Xasan Aweys Muumow

3 COMMENTS

  1. Mumow”odayasha aad shegoyso iyagaba digil ma aha,waxay la mid yihiin fiqi iyo laftagaren digil wuu dulman yahay

  2. Waxaan rabi ka baryahayaa in digil waafajiyo towfiqdii isaga qaadi lahaa heeryada gumeysi ee ay saareen hawiye,darod iyo dir.

  3. Dafet media cadalada u dhowow digilka daacad ugu adeeg,qabilna soo dhoweyso,qabilna aad fogeyneyso iska dhaaf.

Comments are closed.