
Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Xamza Cabdi Barre ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo ku aadan xilka cusub ee loo magacaabay, maadaama laga sugayo dhismaha xukuumad tayo leh, wuxuuna la kulmay guddoonka labada Aqal.
Xamza ayaa hoygiisa ugu tegay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, waxaana sidoo kale kulankaas ku wehlinayey ku xigeenkiisa labaad C/qaadir Abshirow.
Labada dhinac ayaa salaan kadib ka wada-hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan sidii Soomaaliya looga samata-bixin lahaa abaaraha ka jira qaybo badan oo ka mid ah dalka.
Sidoo kale ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa kulan kale la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare, kaas oo ka dhacay hoyga Cabdi Xaashi, kadib salaan uu ugu tegay Xamza.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ra’iisul wasaaraha cusub u jeediyey dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay xafiiska Cabdi Xaashi.