Reysulwasaaraha cusub oo balan qaadey inuu soo dhisi doono xukuumad tayadeedu sareyso

0
467

Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shaaca ka qaaday balan qaadyo muhiim ah oo la xariira wax ka qabashada xaalada dalka iyo hirgelinta mid ka mid rajooyinka ugu waa weyn madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu horeyn balan qaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad tayadeedu sareyso oo isbadal dhab ah sameyn karta, isagoona sheegay inuu har iyo habeen u taagnaan doono gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Wuxuu intaasi ku daray Raysal wasaaraha cusub inuu xooga saari doono arrimaha waa weyn ee horyaala Xukuumada uu soo dhisi doono ay ka mid tahay Wadahadalka Soomaaliland sidii looga gun gaari lahaa iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha, si dhalinyarada loogu sameeyo shaqo abuur wanaagsan.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo ah shaqsi ay horay usoo wada shaqeyeen mudo dheer madaxweynaha dib markii labaad loogu doortay hogaanka dalka Xasan Sheekh maxamuud ayaa laga sugaya soo dhisida Xukuumaddiisa cusub iyo iney la timaado waxqabad dhab ah.